Howlgal Laga Fuliyey Sohdinta Soomaaliya Iyo Kenya

0

Wararka ka imaanaya xadka Soomaliya uu la wadaago Kenya ayaa ku waramaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidanka Kenya ee sida gaarka ah u tababar in ay howlgalo ay ka sameeyeen halkaasi.

Howlgalkan oo ay wadeen ciidanka Kenya ee loo yaqaan Anti-Terror ayaa la sheegay in ujeedkiisu ahaa sugida nabadgalyadda deegaano dhaca xadka ay wadaagan dalalka Soomaliy iyo Kenya, sababo la xariira cabsi Kenya ay ka qabto weeraro Al-Shabab ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah gudaha dalkaasi.

Intii uu socday howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa la sheegay inuu saameyn ku reebay ganacsiga iyo isu’socodka shacabka reer miyiga ah ee inta badan isaga kala goosha degaanada dhaca xadka labada wadan.