Dawlada Turkiga oo deeq caafimaad soo gaarsiisay Soomaaliya

0

Diyaarad sida agab caafimaad ayaa maanta gelinkii dambe waxa ay ka soo degtay, garoonka diyaadaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Diyaaradan ayaa waxa ay ka timid dalka Turkiga iyadoo agab caafimaad oo kala duwan, soo gaarsiisay dawlada Soomaaliya, taas oo loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka Coronavirus.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo wakiil ka ahayd agabkan caafimaad, ayaa waxa ay ku wareejisay, wasaaradda caafimaad ee xukuumadda Soomaaliya.

Arrintan, ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay sii kordhayso, khatarta cudurkan uu ku hayo Soomaaliya , iyo dunida intee kale .