Barlamanka Jaamacadda Carabta oo ka shiraya xaaladda Corona virus

0

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacada Carabta Dr Mishaal bin Fahim Al-Salami,  Barlamaanka Carabta ayaa yeelan doona  kulan degdeg ah oo si toos ah ugu dhexmaraidoona qadka Internetka, kaasi oo dhici doona 19-April oo ku beegan Maalinta Axada ah, kulankan ayaa looga wada hadli donaana ka hortaga faafida viruska Corona ee dunida Carabta iyo sidii  wax looga qaban lahaa dadka uu saameynta ku yeeshay ee wadamada Carabta.

Madaxa xafiiska WHO ee gobolka bariga dhexe iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee waaxda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka qeyb gali doona kulankan si loo soo bandhigo xaqiiqooyinka faafitaanka viruska Corona ee ka soo ifbaxay wadamada Carabta, siyaabaha wax looga qaban karo, iyo dadaallada lagu caawinayo Shucuubta Carabta, si looga gudbo waxyeelada xanuunkan.

Sidokale inta kulanka uu socda Baarlamaanka Carabta ayaa ka wada hadli doona qaraar qabyo ah oo kusaabsan talo soo jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ee laxiriiray soo saarista sharciga hanuuninta Carabta ee lagu xoojinayo Caafimaadka iyo ka hortaga cudurada faafa ee dunida Carabta, iyo sidokale afar go’aan qabyo ah oo kusaabsan dabagalka dhacdooyinka wadamada Carabta qaarkood ee la soo derseen deganaansho la’aan.

Gabagabada kulanka ayaa loga arrinsandoonaa  xaaladda  murugsan ee Waddamada Falastiin, Suuriya, Libya iyo Yemen.