AKHRISO:- Shiinaha oo cabasho ka ah dadka kaga imaanaya Ruushka

0

Shiinaha ayaa soo sheegay 27 kiis oo cusub oo coronavirus ah sidoo kale loo yaqaan COVID-19.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dhammaan ay ka yimaadeen gobolka waqooyi-bari ee xadka la leh Ruushka.

Labaatan ka mid ah kiisaska cusub ayaa ku sugnaa gobolka Heilongjiang, oo ay ku jiraan 13 u dhalatay Shiinaha oo dhawaan ka soo laabtay Ruushka.

Kiisaska la xaqiijiyey ayaa wadarta guud noqday 82719, kuwaas oo 77,029 ka soo kabsaday.

Dhimashada rasmiga ah ee Shiinaha ayaa kor u kacday 4,632, Sidda ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Wuhan, oo ah magaalada ugu dhibaatada badan Shiinaha guud ahaan uu kasoo bilowday Corona Virus.