AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo beenisay eedeyn loo soo jeediyay NISA

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa si adag loogu beeniyay eedeymo loo soo jeediyay Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka oo dhawaan lagu daabacay Wargeys laga leeyahay dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa cadeysay in Hay’adda ay u taagan tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Warbixinta Wargeyska ayay ku tilmaamtay in Mid marin habaabin ah.

Warbixintaasi ayaa qeexaysa in Wargeysa uu helay Cadeymo ku aadan in xubno ka mid ah Hay’adda NISA ay taageeraan Al-Shabaab si weeraro looga fuliyo Gudaha dalka Kenya.

Wargeysa waxaa uu soo bandhigay Warqad uu ku saxiiixan yahay Sarkaal ka tirsan Hay’adda oo Wargeyska uu sheegay in uu lacago u diray Al-Shabaab.