Maxkamadda G/Banaadir oo amartay in Xabsiga lagu sii haayo Wariye C/casiis Gurbiye

0

Wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo muddo saddex cisho ah u xiran dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in si KMG ah xabsiga loogu sii haayo

Warqad ka soo baxday Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ahaa amar xabsi ku sii heyn ah ayaa waxaa Taliyaha Xabsiga Dhexe lagu wargeliyay inuu xabsiga ku sii haayo Wariyaha.