Majmaca Culimada Oo Fariin U Diray Dadka

0

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19, oo xalay ka hadlay Muhiimmadda uu Islaamku siiyay raacista awaamirta dowladda, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u hoggaansamaan awaamiirta lagu xakameynayo faafitaanka cudurkaan halista badan, si bulshada ay u hesho daryeelka ay u baahantahay.

Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in dadka guryohooda ay ku ekaadaan si looga baaqsado, ayuu yiri, halista faafida Covid 19, isagoo tilmaamay in loo bahanyahay in dadku guryohooda ay ku tukadaan

Wadaadka ayaa sheegay in diinteena ay fursad inoo siisay in aan ka gudubno wax kasta nafsadeena ku dhibi karno dadka kalane aan ku dhibaatayn karno.

Culimadda ayuu xusay in ay soo jeedinayaan in qofka isku-og cudurka aysan u banaaneyn in uu Masaajidka yimaado iyo goobaha kale lagu kulmo, si loo yareeyo dhibaato ka dhalan karta in si fudud uu kufaafiyo cudurka

“Waa in dadku nafsadooda ay ubaqaan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Sheekh Bashiir Axmed Salad

Waxaa sii xoogeysanaya walwalka laga qabo faafida Covid 19 oo horay dowladu ay usoo saartay amaro loogu gol leeyahay xakameynta caabuqaas.