DHAGEYSO:-Maamulka Puntland Oo Amar Cusub Duldhigay Shacabka

0

Puntland ayaan wali ka dhaqan galin awaamiirta gufdiga wacyi galinta iyo ka hortaga covid 19 oo ku aadan joojinta Qaadka.

Magaalooyinka ayaa si caadi ah loogu iibinayaa, iyadoo dadku aysan dhag jalaq u siinin amarada maamulka iyo guddiga intuba.

Inkastoo wali Puntland aan lagasoo sheegin xaalad la xiriirta Coronavirus ayaa hadana guddiga wacyi galinta waxa uu si aad ah u adkeeyay amarada ku aadan in deegaanada Puntland aan lagu iibin Karin wax qaad ah oo gabi ahaamba la mamnuucay in lasoo galiyo magaalooyinka Puntland

War kasoo baxay kulan ay yeesheen guddiga wacyi galinta Puntland ayaa lagu sheegay in tilaabo waafaqsan sharciga laga qaadi doono cid kasta oo ku xad gudubta awaamiirta maamulka ee la xiriira mamnuucida Qaadka.

Wasiirka waxbarashada muumulka Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in si dhow ay ula socdaan xaalada maciishada quudul daruuriga noocyadeeda kala duwan, isagoo tilmaamay in ay ka shaqeyn doonan sidii looga hortagi lahaa in marxalada lagu jiro ay sababto qiima koror ku yimaada maciishada.