DHAGEYSO:-Ciidamo Ku Baxay Degaano Beelo Ku Dagaalameen

0

Ciidamo huwan ah oo isugu jira Milatariga Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku baxay degaano ay ka dhaceen colaad beeleedyo.

Degaanadaas ayaa ku yaala xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya sidda; Furinta Fuure iyo Balicad.

Mahad Cumar Muumin, taliyaha hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya qeybta Galmudug, ayaa hogaaminaya howlgalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedka dhaqdhaqaaqooda uu yahay hubinta xaalada degaanka iyo fulinta xabad-joojin lagu dhawaaqay.