Askari Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya Oo La Dilay

0

Askari ka tirsan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa loo yaqaano Haramcad ayaa lagu dilay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dilka askari waxaa lagu waramay in uu ka dhacay nawaaxiga Hotel la dejiyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug, oo halkaas ku sugan.

Ciidamo kale oo ilaalo ka haayey goobta ayaa la tilmaamay in ay rideen xabada dishay askariga kadib markii ay ka shakuyeen.

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan dhacdadaas oo illaa iyo haatan kasoo baxday dhanka mas’uuliyiinta amniga dowlad goboleedkaas.