Dil Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

0

Kooxo ku hubeysan Bastoolada ayaa deegaanka Ceelesha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay u sheegeen in rag dhalinyaro ay dileen Askarta xili ay halkaas ku sugnaayeen, iyagoo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragii dilka geystay goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana halkaas gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada, kuwaasi oo goobta ka qaaday Meyadka Askarta.