AKHRISO:- Madaxweyne Qoor Qoor” Waxaan bilaabeynaa dib u heshiisiin bulsho”

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in maalmihii joogay Galmudug uu ku guuleysatay xalinta tabashooyinkii ay qabeen siyaasiyiinta maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in uu dhawaan bilaabi doono dib u heshiisiin bulsho maadaama inta badan degaanada Galmudug ay ka dhacaan dagaal beeleedyo.

Qoor Qoor ayaa sheegay in dhammaan beellaha Galmudug loo qaban doono kulamo dib u heshiisiin ah.

Sidoo kale waxa sheegay in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqi doono gole Wasiiro oo tayo leh.

Mdaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa xalay xilka madaxtinimada maamulka Galmudug ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Md. Axmed Cabdi Kaariye.

Xil wareejinta ayaa timid ka dib Munaasabad dhacday Magaalada Dhuusamareeb.