Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Oo Go’aan Cusub Soo Saartay

0

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay Go’aan Cusub oo ku socda bahwadaagta Waxbarashada deegaanada Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in lasoo afjaray dhammaan Cashiradii sanad dugsiyeedka 2019-2020 taariikhdu markii ahayd 21/03/2020.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in imtixaanka fasalka 8aad ee Ardayda Galmudug si rasmi ah loo qaadi doono waqtigii loogu talagalay ee 30-ka Bisha soo socota ee May 2020.

Ugu dambeyn Maamulka Galmudug ayaa Digniin adag u diray dugsigii isku daya inuu sii wado daraasadaha sanad dugsiyeedkaan ee 2019-2020 xili lasoo afjaray.