Taliska Africom oo ka hadlay duqeyn ka dhacday koofurta Soomaaliya

0

Hawlgalka Mareykanka u qaabilsan qaaradda Afrika ee Africom ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu faah faahin kaga bixiyay duqeymo ay labeegsadeen dagaalamayaasha al-Shabaab.

Duqeynta kowaad oo dhacday 9’kii bishan ayaa ka dhacday meel u dhaw deegaanka Koban, iyadoona ay sidoo kale hawgalkaasi ay ka qayb qaateen ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland.

Duqaynta labaad waxa ay 10’ka bishan ka dhacday meel u dhaw degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Africom waxa ay sheegtay in duqaynta dhacday 9’ka April lagu dilay 10 dagaalame oo katirsan al-Shabaab, halka tan dhacday 10’ka April’na lagu dilay xubinta katirsan al-Shabaab.