QM oo cambaareysay khatar bini’aadanimo oo soo wajahday caasimada dalka Libya

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka bini’aadannimada ayaa si adag u cambaaraysay falka biyaha looga jartay dadka ku nool magaalada Triboli ee  caasimadda dalka Libya.

Tiriboli ayaa biyaha laga jartay todobaadkii hore, waxayna dadka ku nool magaaladaas wajahayaan colaad daba dheeraatay iyo biyo la’aan soo wajahday.

Kooxda hubaysan ayaa Isniintii weerartay xarunta laga maamulo biyaha ee Shuweerif, waxayna jareen biyihii gaari jiray qeybaha ay ka koobantahay magaalada Triboli.

Kooxdii weerartay halkaas waxaa la sheegay in qaar ay dileen qaarna u hanjabeen shaqaalihii ku sugnaa xarumahaas.

Biyaha laga jaray Triboli waxay saameyn weyn ku yeelatay in ka badan labo milyan oo ruux, kuwaas oo ku noolaa caasimadda ee Triboli.