Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka oo ka hor-yimid tallaabadii lagu xiray Masaajidyo ku yaala Muqdisho

0

Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka hor-yimid tallaabadii lagu xiray Masaajidyo ku yaalla Muqdisho, kaddib markii shalay ay gudaha u galeen Ciidamada Booliska, xilligii salaadii jimcaha.

Sheekh Yuusuf Tuurxume iyo Sheekh Maxamed Yaasiin Cabdiwaaxid ayaa sheegay in arrintaas ahayd mid lama filaan ah oo ka soo horjeeda dhaqanka iyo anshaxa islaamka, isla markaana aan loo baahneyn iyadoo salaadii lagu jiro in ciidamo soo galaan gudaha masaajidka, ayna joojiyaan khudbadii socotay.

Sidoo kale Culumaa’udiinkan ayaa sheegay in aan la soo wargelin oo aanay jirin awaamiir dowladda ka timid, waxaana ay intaa ku dareen in wax lala yaabo aheyd in Ciidamo soo galaan masaajidada, iyadoo ay socotay khudbadii jimcaha, halka masaajidada kale loo istaagay salaadda in la oogo, taasoo ka dhalatay buuq iyo jahwareer.

Dhinaca kale Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada taageersan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabada lagu xiray masaajidada ay ahayd mid lagu fududaaday, isla markaana ay ahayd marka hore in la sameeyo wacyigelin iyo is qancin, inta aan ciidamo loo dirin masaajidada.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo Culimada Soomaaliyeed, iyagoo ka wada hadli doona arrintan soo korortay, waxaana ay horay dowladdu ay ku baaqday in la joojiyo goobaha la isugu yimaado, si looga hortago cudurka Coronavirus.