Muqdisho : Xoghayihii Guud ee Dhakhaatiirta Somaliyeed oo laga Helay cudurka Karoona

0

Xoghayihii guud ee ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, horeyna u ahaa Madaxii Caafimaadka Caruurta ee Isbitaalka Ex Digfer, Dr. Ibraahim Guled ayaa la xaqiijiyay in laga helay Coronavirus.

Qoraal uu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ayuu ku sheegay baadhitaanadii laga qaaday in lagu ogaaday inuu qaaday cudurka Covid19.

Dr. Ibraahim Guled ayaa sheegay inuu horey isugu arkay qaar kamid ah calaaamadaha cudurka, waqtigaas kadibna uu isgaliyay xaalad iskarantiil ah, si uu uga fogaado inuu dadka xidhiidh la sameeyo.

“Faafidda cudurka waa mid dhab ah. Fadlan dhagayso talobixinta masuuliyiinta caafimaadka, ku celceli dhaqida gacmaha iyo kala fogaanshaha bulsheed,” ayuu ku yidhi hadalkiisa.

Dr. Ibraahim Guled, ayaa maalmo kahor dowladda ku dhaliilayay inay ahmiyad gaar ah siinayso dhismaha ciidamada, taas bedelkeena ay iloowayso hagaajinta Nidaamka Caafimaadka, si loo helo isbitaal wanaagsan oo leh adeegyo caafimaad oo wanaagsan.