Mareykanka oo noqday dalkii u horreeyay maalin gudahood 2,000 oo qof u dhinta Coronavirus

0

Mareykanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee in ka badan 2,000 oo qof maalin kaliya u geeriyooda Cudurka Coronavirus, iyadoo la diiwaan geliyay 2,108 qof oo dhimasho ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tirada kiisaska la xaqiijiyay cudurka COVID-19′ ee Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 500,000 sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay  ee jaamacadda Johns Hopkins.

Mareykanka ayaa wuxuu hadda diiwaan geliyay 18,586 dhimasho, waxaana ay ku dhow yihiin dalka Talyaaniga oo tirada u dhimatay cudurkaas ay gaarayaan 18,849 kaasoo noqday dalka ugu badan ee cudurka Coronavirus ugu dhinta.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay hoos u dhacday tiradii laga cabsi qabay in cudurka u geeriyootay, iyadoo Mareykanka tirada dadka uu soo ritay cudurkaas uu gaaray boqolaal kun.

Adduunka oo dhan ayaa tirada dhimashada ee cudurka Coronavirus ay gaartay in ka badan boqol kun oo ruux, waxaana jirta cabsi laga qabo inay tirada korodho.