Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo DF ku eedeeyey horinta dagaal beeleedyada

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka socda qaar ka mid ah gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Xasan Sheekh ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in maanta Soomaaliya la isugu dilo reer hebel ayaa tahay, iyadoo uu dalka soo galay isla markaana kusii baahayo cudurka caalamka hala keeyey ee Coronavirus.

Dadka ku jira dagaalada ama hurinaya coladahahaas ayuu ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh, in ay ka waantoobaan falalkaas oo uu ku tilmaamay kuwo ay kasoo socoto cawaaqib xumo daran.

Sidoo kale ciidamada ammaanta ayuu ku bogaadiyey in ay kala dhex galaan dadka Soomaaliyeed ee is dilaya, isagoo hoggaanka beelahana ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa hoggaanka dowladda federaalka ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen kala celinta dadkii Soomaaliyeed ee isku dilay sida arxan darrada ah, isagoo tilmaamay in meelaha qaar ay dowladdu hurisay colaadaha ka socda, sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii lasoo dhaafay dagaal beeleedyo aysan jirin wax la isku reebtay ayaa ka dhacay gobollada Jubbada Hoose, Shabeellada Hoose, Bay iyo Galgaduud, waxaan meelaha qaar ka dhacay falal aan horay loo arkin, kadib markii dadka inta la dilay hadana la gubay meydkooda.