Maamulka Hirshabeelle oo ugu baaqay inay is karantiilaan dadkii la kulmay Xildhibaankii laga helay Coronavirus

0

Iyadoo maalintii shalay si rasmi ah loo shaaciyay kiiskii u horeeyay oo cudurka Coronavirus oo laga helay Maamulka Hirshabeelle, kaasoo ah Xildhibaan ahna Wasiiru dowlaha Wasaaeadda Cadaaladda Khaliif Muumin Tooxow, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Jowhar, loona soo qaaday Muqdisho, waxaana baaritaan markii lagu sameeyay laga helay inuu qabo cudurkan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee la kulmay Xildhibaanka laga helay Coronavirus inay is karantiilaan.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka Hirshabeelle ayaa sheegay in dadkii la kulmay Xildhibaanka ahna Wasiiru dowlaha ee la degenaa Hotelka inay is karantiilaan, si aanay bulshada ugu gudbin haddii ay qaadeen cudurka Coronavirus.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inay raadinayaan dhammaan dadka laga yaabo iany xiriir la sameeyeen Xildhibaanka muddo labo isbuuc ah, si loo geliyo go’doomin iyo in xaaladooda lala socdo.

“Waxaan u duceyneynaa in si deg deg ah uga soo kabto xildhibaan Hirshabelle iyo wasiiru dowlihii cadaaladda, Khaliif Muumin Tooxow, oo ah kiiska koowaad ee la xaqiijiyey ee cudurka COVID-19 oo laga helay Hirshabeelle, Waxaan hadda raadineynaa dhammaan kuwa laga yaabo inay la xiriireen isaga muddo 2 asbuuc ee la soo dhaafay, si go’doomin loo geliyo, looguna kuur galo xaaladooda”ayuu yiri Madaxweyne Waare.