Faah faahin ka soo baxaya dil toogasho ah oo xalay ka dhacay Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir nabadoon si weyn looga yaqaanay degmadaas.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada Juungal, waxaana nabadoonka la dilay lagu magacaabayay Xaaji Shaahid Kheyr-doon.

Wararka ayaa sheegaya in dabley ku hubeysan bastoolado ay toogasho ku dileen Nabadoonka, xilli uu ka soo baxay Masaajid salaadii cishaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay baxsadeen, iyadoo Ciidamo ka tirsan dowladda oo soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa howlgal ka sameeyay, balse uma suura gelin inay soo qabtaan kooxdii dilka ka dambeeyay, maadaama goor hore ay baxsadeen.