Dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo ka socda gobolka Sanaag

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, waxay sheegayaan in dagaal beeleed xoog leh uu  ka socdo deegaanka Waqa-deriya oo dhaca xeebta gobolkaas.

Dagaalka oo bilaawday waaberigii hore ee Sabtida maanta ah ayaa waxaa la sheegay in xoogiisu uu ka socdo deegaankaas oo galbeed uga beegan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba malayshiyo beeleed oo halkaas wada dega, waxaana la sheegay in sanadihii lasoo dhaafay ay dagaallo badan ku dhex mareen deegaano badan oo ka tirsan isla gobolka Sanaag.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedkaas, isgaarsiinta deegaanka oo aad u liidata awgeed.

Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo isku haysta gacan ku haynta halka ay maanta dirirtaasi kasocoto ayaan weli wax war ah kasoo saarin, sidoo kale illaa hada ma jirto cid kala dhex gashay dhinacyada dagaalamaya.