AKHRISO:- Tiradda dadka uu soo ritay Corona Virus oo gaartay 1.7 milyan

0

Magaalada New York dalka Mareykanka ayaa ugu daran meelaha uu ku dhuftay Cudurka Corona Virus gudaha dalka Mareykanka.

777 oo dhimasho ah ayaa laga xaqiijiyay muddo 24 saac gudahooda ah, taas oo wadarta guud ee dhimashada noqotay 7,844.

Labada hayadood ee maaliyadeed ee dunida ugu horeeya ayaa ka digaya carqaladeyn dhaqaale oo daran iyada oo cudurka faafa ee coronavirus uu kusii fidayo adduunka.

Qaaraddaha Yurub iyo Mareykanka dadka uu soo ridanaayo Corona Virus ayaa sare u kacday bilihii lasoo dhaafay.

Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 1.7 milyan, iyadoo tirada soo-kabashada ay ku dhowdahay 376,000.