AKHRISO:- Madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo la toogtay

0

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo ku toogtay Madaxii Madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee qeybta Puntland ee Magaalada Gaalkacyo.

Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) Waxa ay dileen Kooxda hubeysan xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dilka waxaa geystay sida la sheegay dabley hubaysan oo aan haybtooda la garan, kuwaas ka baxsaday goobta dilku ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Marxuum Cismaan Faray.

Ciidamada amniga Pumtland ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay falkaas.

Sanadii u dambeeyay waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacayay ugaarsi lagu hayo masuuliyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Puntland, iyadoo lagu dilay dad badan oo magac ku lahaa gobolkaas.