Akhriso:-Maamulka Degmada Wanla-Weyn Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Degmada Wanla-weyn iyo Gudoomiye ku-xigeenka Qorsheynta Maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Najax ayaa shaqada looga jooiyay Guddoomiyaha Wanla-weyn Maxamed Siidow  Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka qorsheynta Nuur Axmed Nuur Baadiyow.

Sidoo kale Wareegtada shaqo joointa ayaa waxaa lagu sheegay in ilaa amar dambe waxaa xilka Guddoomiyaha Wanla-weyn sii heyn doona Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada degmadaas Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaal beeleedyo iyo dilal xun oo dad lagu gubay, waxaana arrintaas ka carooday dadka Soonaaliyeed.