AKHRISO:- Beelihii ku dagaallamay duleedka Kismaayo oo heshiis horudhac ah gaaray

0

Mid kamid ah beelaha dega deegaanada Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo gogol nabadeed u dhigtay beelihii dhowaan ku dagaalamay galbeedka magaalada Kismaayo kaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 100 qof, halka tiro intaa ka badana ay ku barakaceen dhawaacyana ay kasoo gaareen.

Munaasabadda Nabadda loogu raadinayay beelaha walaalaha ah ee dhowaan dirirtu ay ku dhex martay galbeedka magaalada Kismaayo ayaa waxaa goob joog ahaa Odayaasha dhaqanka beeshii gogosha dhigtay islamarkaan isku xilqaantay in ay soo afjarto colaadda sokeeye qaar kamid ah, Culumaaudiinka magaalada Kismaayo oo door muhiim ah ka qaatay nabaddaynta beelahan iyo salaadiinta iyo waxgaradka labadii beelood ee ay dirirtu dhexmartay iyo marti sharaf kale.


Nabadoon Ibraahim Cali Qeyley oo kamid ah waxgaradka beeshii gogosha nabadeed dhigtay ayaa beelaha walaalaha ugu baaqay in ay nabadda qaataan islamarkaana ay ka tanaasulaan colaadda sokeeye ee maalmahan soo noq-noqotay.

Nabadoon Cabdullaahi Bile Saciid oo ah mid kamid ah Issimada beelaha ay dirirtu dhexmartay ayaa sheegay in si bilaa shuruud ah ay beeshiisu u qaadatay nabadda islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan nabad-gelyada deegaanka iyo umadda Soomaaliyeed.

Suldaan Xassan Sheekh oo isna ka socday mid kamid ah beelaha gogoshan loo dhigay ayaa bulshadii hortooda ka caddeeyay in hadda ka kadib ay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabad galyada islamarkaana ay si cad oo bilaa shuruud ah nabadda u qaateen iyo xabad joojin rasmi ah.

Ugu danbeyn waxaa halkaas isku gacan qaaday oo si qalbi furan laabta isku galiyay Odayaasha dhaqanka beelaha walaalaha ee dhowaan ay dirirtu dhexmartay, waxaana lagu ballamay in laga dhabeeyo nabadda la qaatay, lagana shaqeeyo sidii nabadda loo geyn lahaa deegaankii colaaddu ka dhacday.