Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre oo ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay Alla Bari la yimaadaan

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in haddii cudurkani uu dalka ku faafo aysan jirin awood looga hortagi karo balse ay habboon tahay in marka hore bulshadu ay la timaado Alla bari .

Wasiirka ayaa xusay in uu aad uga walaacsanahay tirada iyo tuhunka sii badanaya ee cudurkan saf-marka ah ee dhibaatada badan ku haya bulshada caalamka ,isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn halista cudurka,balese dadku badankood ay yareysanayaan qatarta la filan karo.

“Maanta maalin aan uga baahi badannahay majirto in aan midowno, is-maqalno, is-kaalmeyno, isla markaana meel uga soo wada jeesanno sidii aan uga hortagi lahayn cudurkan, si uusan saameyn ballaaran ugu yeelan dadkeena, maadaama tabar, dhaqaatiir, qalab iyo goobo caafimaad oo aad u haboon aanaan heysan”ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada Dowlada Soomaaliya.