Nabadoon Caan Ah Oo Toogasho Lagu Dilay

0

Dabley ayaa lagu waramay in ay degaanka Yaaq-bira-wayne ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen “nin nabadoon ahaa”.

Marxuumka ayaa magaciisa lagu sheegay Ciise Fara-cadde Diiriye. Wuxuu caan ka ahaa degaanada gobolkaas.

Ma cadda sababta loo beegsaday iyo cidda xaqiiqo ahaan ka dambeysa toogashadda lagula kacay ee noloshiisa lagu dhaafiyey.

Hase ahaatee, xubin ka tirsan ehelkiisa oo warbaahinta u waramay ayaa tilmaamay in ay dileen garab kamid ah maleeyshiyaadka isku haya Wanlaweyn.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in nabadoonka uusan wax lug ah ku lahayn isku dhacyadda qabaa’ilka ee ka jira degmadaas.