Maxaa Ka Jira In Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle laga helay cudurka Coronavirus?

0

Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa laga helay cudurka Coronavirus kadib markii baaritaan lagu sameeyay sida ay xogtu sheegayso.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Hirshabelle ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow kaasi oo laga helay Covid-19.

Sidoo kale waxaa laga soo xigtey wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabelle in baaritaanka xildhibaan Khaliif uu noqday Positive.

Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow oo ka mid baarlamaanka Hirshabelle ayaa dhowaan laga soo qaaday magaalada Jowhar kadib markii xanuunkiis looga shakiyay inuu yahay cudurka Coronavirus.