Faahfaahin ka soo baxaysa iskahorimaad ku dhex maray Jilib ciidamo Alshabaab ah

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan iskahorimaad ku dhex maray maleeshiyaad ka wada tirsan Al-Shabaab degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyay labo koox oo kawada tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iskahorimaadkan ay ku dhinteen illaa toban ka mid ah kooxihii dagaalamay.

Dhawaan ayaa waxaa ay sheegeen ciidamada sirdoonka Soomaaliya ee NISA in uu jiro khilaaf ka dhex jira dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo dhashay kadib markii la dilay madaxii amniyaadka ee Al-Shabaab.