Akhriso:-Dad cusub oo laga helay cudurka Coronavirus gudaha soomaaliya

0

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiinisay inay kordheen tirada dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus, waxaana maanta soo kordhay 9 qof oo lix ka mid ah la sheegay inay xiriir la sameeyeen qof horay cudurkan looga helay.

Labo ka mid waxay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, waxaan tirada ka dhigeysa 4 qof shaqaalaha Wasaaradda oo cudurkan laga helay.

Mid ka mid 9ka qof ayaa la sheegay inuu yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana kiisaska cudurkan uu u muuqdaa mid isa soo taraya.

•Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.

•6 kamid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay

• Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4)

•Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan

•Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa buslshada dhexdeeda

•Waxa aad u haboon in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.