Faysal Cali Waraabe Oo Fariin U Diray Madaxweynaha Jabuuti

0

Guddoomiyaba xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay wadahadalada Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland kuwaas oo maalmahaan si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aysan waxba ka bedelayn go’aanka Somaliland Odayaal iyo Caruur la kiciyo isaga oo sheegay in wadahadaladu ay muhiim yihiin hadii ay dhacaayanaa ay ka qeyb gelayso beesha caalamka.

Dhinaca kalana waxa uu fariin u diray madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ugu baaqay in uu keeno Jabuiti hadii uu doonayo midnimada Soomaaliya.

Fariin taas la mid ah ayuu u diray ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed isaga oo sheegay in hadii uu ka shaqeynayo maslaxadda Soomaaliya in Marka hore uu soo wareejiyo Kilinka Shanaad.

Muddooyinkii dambe ayaa arrimaha wadahadlka Dowladda dhexe iyo maamulka Soomaaliland waxaa aad uga hadlayay Salaadiinta kasoo jeeda deeganada Soomaaliland.