DHAGEYSO:-Maxkamada Sare ee dalka oo go’aan ka soo saartay dacwada u dhexeysay xisbiga Himilo Qaran iyo Hay’ada duulista rayidka

0

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa soo saartay natiijada dacwadii xisbiga Himilo Qaran ay ka gudbiyeen hay’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in  Maxkamadda ay  Documents-ka natiijada go’aanka ku wareejisay Qareenada Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh, madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Lacagta loo xukmiyey xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay ku dhowaad 35,000 oo dollar.

Madaxda  Xisbiga Himilo Qaran ayaa  maanta lagu wadaa in ay go’aan ka soo saaraan warsaxaafadeed  ku saabsan go’aanka Maxkamadda kadib markii ay kulan isugu yimaadaan.

Axmed Maxamed Sheekh (Koofi  oo ah qareenka xisbiga Himilo Qaran, oo  wareysi siiyey idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa faah-faahiyey go’aanka maxkamadda sare ee dhankooda loo xukmiyey.