DHAGEYSO:-Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha golaha guurtida

0

Madaxda maamulka Somaliland gaar ahaanna madaxweynaha, guddoomiyaasha golayaasha Baarlamaan ee Somaliland iyo  guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa maanta si wada jir ah warbaahinta ugula hadlay magaalada Hargeysa, kulankaasi oo masuuliyiinta hadallo kala duwan ay ka jeediyeen.

Ujeeddada kulanka ayaa daarranayd taxadarka iyo taxaalidda xanuunka dilaaga ah ee Corona Viruska, kaasoo haatan faro baa’an ku haya dunida, dad badanna ay u dhinteen, waxaana Somaliland ka mid tahay meelaha Soomaaliya ka mid ah ee kiisaska xanuunkaasi laga helay.