Imaaraatka Carabta oo Somaliland ku wareejiyay Agab looga hortagayo Covid-19

0

Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal Magaalada Hargeysa waxaa maanta caga dhigatay Diyaarad gaar ah oo ka timid Imaaraatka Carab, waxaana ay waday agab Caafimaad oo loogu deeqay Somaliland.

Mas’uuliyiiin katirsan Somaliland ayaa agabka ku guddoomay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa oo lagu dajiyay deeqda, waxaana loogu talagalay wax ka qabashada Fayruska Corona oo kiisas kamid ah laga helay deegaanada maamulkaas.

Agabkaan waxaa loogu talagalay in loo adeegsado kahor tagga fayruska Corona, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin katirsan Somaliland.

Imaaraatka iyo Somaliland waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, waxaana diyaaradaha dalkaas duullimaadyo joogto ah ku tagaan Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.