Guddiga ka hor tagga Coronavirus ee Galmudug oo soo saaray 8-qodob

0

Guddiga ka hor tagga cudurka Coronavirus ee maamulka Galmudug ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb maamulka Galmudug, waxayna kulankaas kasoo saareen war-saxaafadeed ka kooban sideed qodob.

Xubnaha gudigan oo ka kooban 11 ruux ayaa waxaa dhawaan magacaabay madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxayna xalay soo saareen qoraal ay ku cadeynayaan qorshahooda ka hor tagga cudurka COVID-19 ee deegaanada maamulka Galmudug.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey oo ay yeeshaan xubnaha cusub ee guddiga ka hor tagga iyo latacaalidda kiisaska Corona ee Galmudug ayaa qodobadii laga soo saaray waxaa kamid ahaa.

In xubnaha guddigu ay yeelan doonaan kulamo joogto ah, isla markaana ay dadka sii doonaan warbixino joogto ah, iyadoo la dardar gelinayo wacyi gelinta.

In la xakameyn doono dhaq-dhaqaaqa xukuudaha, isla markaana la geyn doono shaqaale caafimaad.

In mudo laba toddobaad ah ay sii xirnaa doonaan goobaha waxbarashada iyo garoomada cayaaraha, iyadoo dadweynaha reer Galmudug laga dalbaday in ay yareeyaan isku imaatinka iyo xafladaha aan muhiimka loo aheyn.

In la diyaariyo xarumaha hubinta, maareynta iyo daweynta dadka looga shakiyo ama uu soo rito Coronavirus.