DHAGEYSO:-Wasaaradda Waxbarashada oo ku dhawaaqday in la joojiyay waxbarashadii sanad-dugsiyeedka 2019/20

0

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aano la xiriira dhanka waxbarashada, iyadoo la tixgelinayo xaalada caafimaad ee dalka iyo adduunka ee ku aadan cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

War saxaafadeedka Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu sheegay in la joojiyay qaadashada casharada ee waxbarashadii dusgiyada ee sanad-dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo 4 isbuuc ah.

Sidoo kale Ardayda sanad-dugsiyeedkan dhamaaday waxaa lagu qiimeyn doonaa heerkii ay duruusta ka marayeen xilligii lagu dhawaaqayay xiritaanka dusgiyada oo ku beegneyd 19 Maarso 2020.

Wasaaradda waxbarashada ayaa ku wargelisay ardayda iyo macalimiinta xilliga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare sanad dugsiyeedka 2019/2020, waqtiga la qaadayo, xilliga la qaadayo, xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaanka in dib laga soo sheegi doono.