Ciidamada Amaanka Puntland oo dad usoo qabatay Qarax ka dhacay Boosaaso

0

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Nabadsugidda Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF-ta waxa ay kusoo qabteen dad ay xiriirinayaan Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso oo sababay dhaawaca 3-ruux.

Qaraxa waxa uu dhacay waxyar kadib markii uu meesha gudbay Gaari ay wateen Ciidamada loo xilsaaray la socodka Bandowga Madaxweyne Deni uu geliyay Deegaanada maamulkaas xiliyada habeenkii.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka, Ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay roondada lagu xaqiijinayo sugidda amniga iyo kahor tagga faafidda Fayruska Corona ee lagu soo rogay Deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland 1-dii bishaan.

Nabadsudidda Puntland ayaa laba laabtay howlgalada ka dhanka ah dadka ay la xiriirinayaan Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana Boosaaso maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal amniga liddi ku ah.

Ma jirto ilaa haatan cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland, inta badan Qaraxyada, dilalka iyo weerarada Boosaaso waxaa sheegta Al-Shabaab iyo Daacish.