AKHRISO:- Kulamo lagu xalinayo dagaal beeleedyo oo ka bilaawdey Galmudug

0

Masuuliyiin uu horkacayo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diire (Cumar Guureeye) Iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa xalay ku hoydey Deegaanka Furinta-Foore oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaal beeleedyo.

Xubnaha Wafdiga iyo Odayaal dhaqameedyo ka kala baxay degmooyinka Cadaado iyo Cabudwaaq ayaa waxaa ay deegaankaasi Furinta-Foore ka bilaabeen kulamo xal loogu raadinayo dagaalka ka dhacay deegaankaas,kaas oo geystay khasaaro dhimahso iyo dhaawac ah.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah Saraakiil ka tirsan Ciidamada,Booliska,Nabadsugida iyo Millateriga Soomaaliya,kuwaas oo dagaalka ku baxay,isla markaana maleeshiyaadkii dagaalamayey Ciidamo kala dhex-dhigey.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diire (Cumar Guureeye) ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanka Furinta-Foore ee gobolka Galgaduud oo isku heysta dhul daaqsimeed looga baahan yahay inay nabad ku wada noolaadaan,isla markaana dagaal uusan waxba soo kordhieyn.

Kulamada xalka loogu raadinayo dagaalkii ka dhacay deegaanka Furinta-Foore oo sii socon doona Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in lagu gaaro heshiisyo hordhac ah,iyada oo hataan xaalada deegaanka lagu dagaalamey ay tahay mid degan.