AKHRISO:- Madaxweyne Qoor Qoor ” Waxaan farayaa laamaha amniga in ay xiraan Xuduudaha Galmudug”

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dhammaan ugu baaqay bulshadda degaanada maamulka Galmudug in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku saabsan ka hortagga Cudurka Corona Virus.

Waxaa uu sheegay in dhammaan Bulshada degaanada Galmudug uu ugu baaqayo in ay yareynyaan Kulamada ay isku imaanayaan,maadaama Cudurka Corona Vuris uu dalka dhibaato ku haayo.

Waxaa uu ka dalbaday Shaqaallaha Caafimaadka Galmudug in ay galaan heegan buuxa, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo yareyn lahaa waxyeeladda Cudurka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ugu dambeyntii amar ku bixiyay in la xiro Xuduudaha Galmudug si looga hortaggo Cudurka Corona Virus.

” Waxaan farayaa laamaha amniga in ay xiraan Xuduudaha Galmudug ay la wadaagto itoobiya , waxaan joojinay jaadka mana aqbaleyno in hubinta caafimaadka la sahlado ” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.