Qaramada Midoobay oo sheegtay in Soomaaliya ay ku garab taagantahay ka hortaga khataraha miinooyinka

0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta iyo ka hortaga Miinooyinka, ayaa Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hadlay waxa uuna iftiimiyay baahida loo qabo in la iska kaashado sidii loo cirib tiri lahaa khataraha miinooyinka ee ku wajahan Soomaalida iyo horumarka dalkaan dhaca geeska qaarada Afrika.

“Khataraha qaraxyada iyo aaladaha qarxa ee Soomaaliya ka jira ma ahan kuwo kaliya khatar galinaya nolosha dadka rayidka ah, laakiin waxa ay sidoo kale qatar ku yihiin dhismaha dowlad-dhisidda iyo horumarka dhaqaalaha.

“Intii lagu gudajiro xaalad deg deg ah ee caafimaadka caalami ah, waxaa nala xusuusinayaa ahmiyada ay leedahay wada shaqeynta si loo ciribtiro khataraha loona abuuro jawi aamin ah oo bulshada ku dhex noolaan karto.

Sidaan oo kale dadaalkeenna aan kula dagaallameyno fayraska COVID-19, Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay ka taageerto Soomaaliya dadaalladeeda ku aaddan sidii looga ciribtiri lahaa khataraha halista sida waxyaabaha qarxa” ayuu yiri James Swan ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Hal ku dhiga sannadkan ayaa ah ” Wadajirka iyo ka Waxqabadka Miinada: Maalinta ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo awoodda wax-ka-qabashada miinooyinka ee waddamada ay miinooyinka iyo haraaga waxyaabaha qarxa ay khatar weyn ku yihiin. amniga, caafimaadka iyo nolosha dadka rayidka ah, ama carqalad ku ah horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

Laga soo bilaabo 2018, waxaa la diiwaangaliyay 3,279 dhaawacyo ka dhashay haraadiga waxyaabaha qarxa iyo haraadiga qaraxyada ee horay loogu aasay Soomaaliya. Dowladda Federaalka waxa ay diyaarineysaa qorshe qaran oo wax looga qabanayo miinooyinka iyo taageerida dadka naafada ah si wax looga qabto khatarahaas.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxkaqabadka miinada ee (UNMAS) ayaa balan qaaday in ay la shaqaynayso howl wadeenada Soomaaliya kuwa caalamiga ah si loo nadiifiyo khataraha ka dhalan kara waxyaabaha qarxa.

SRSG for Somalia
Security Council meeting
The situation in Somalia
Report of the Secretary-General on Somalia (S/2020/121)