Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Jowhar

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku aadan qarax qasaare geystey oo ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacin waxa uu ahaa inuu geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo ka dhacay goob lagu shaaho oo ku taal bartamaha magaalada ayaa waxaa ku dhintey hal ruux halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhow toban ruux oo ay ka mid yihiin xildhibaan ka mid ah baarlamaanka hirshabelle iyo  haween goobta ku ganacsanayay.