Dhakhaatiir ku howlan la dagaalanka Coronavirus oo lagu weeraray Hindiya

0

Dhawr dhakhaatiir oo ku hoolanaa ka hor tagga xanuunka Coronavirus ayaa lagu weeraray gudaha dalka Hindiya, sida ay ku waramayso warbaahinta dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dhakhaatiirtani la weeraray guryahooda iyo qoysaskooda.

Hindiya ayaa ka mid ah dalalka laga helay kiisas badan oo la xariira cudurka Coronavirus, iyadoona dadka xanuunkan dalkaasi ugu dhintay ay gaarayaan 50 ruux.

Qaar ka mid ah dhakhaatiirtan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday aysan kahor istaagi doonin shaqadii ay u hayeen bulshada.

Zakiya Sayed, oo ka mid ah dhakhatiirtaasi ayaa sheegtay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay bad baadinta nolosha muwaadiniinta reer Hindiya.