DHAGEYSO:-Wasiirka Warfaafinta oo cambaareeyay gabdho yar oo si arxan-darro loogu kufsaday Afgooye

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyay fal kufsi arxan darro ah oo gabdho yar loogu kufsaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ficilkaas kuwa geystay ay yihiin kuwo aan damiir dadnimo iyo mid Islaamnimo aanan laheyn

“Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa ficilka wuxuushnimada leh oo ka dhacay Degmada Afgooye oo lagula kacay Laba Gabdhood oo aad u da’yar, waa tacaddi iyo weerar oo loo geystay Magaca Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiir Maareeye

Wasiirka Warfaafinta ayaa Carrabka ku adkeeyay inay Dowladdu ku raad-joogto Dadkii ka dambeeyay ficilkaas foosha xun oo lagu kufsaday Laba gabdhood oo walaala ah.