DFS oo shaacisay in dalka laga helay kiisas cusub oo la xariira Coronavirus

0

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in kiisaska dadka laga helay cudurka Coronavirus ay kordheen oo ay gaareen 7 qof, halka markii hore ay ka ahaayeen 5 kiis.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in laba kiis oo cusub oo ah dad qaba xanuunka Coronavirus laga xaqiijiyey magaalada Muqdisho, taasi oo tirada magaalada ka dhigeysa 5 qof.

Waxaa sidoo kale hore loo xaqiijiyey laba kiis oo deegaanada Somaliland ah, taasi oo tirada guud ee Soomaaliya ka dhigeysa 7 kiis.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in labada qof ee kiiska laga helay ee Muqdisho ay kala yihiin qof muwaadin Soomaaliyeed ah iyo ajnabi ku sugan caasimada.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in mid ka mid ah dadkii horey cudurka looga helay uu kasoo bogsooday, mana jiro illaa hadda qof cudurka ugu geeriyooday gudaha Soomaaliya, inta la ogyahay.