Akhriso:-Maxaa keenay go’aanka Wasiir Khadiijo ay ku diiday in Garoonka Ciyaaraha Muqdisho laga dhigo xarun Karaantiil?

0

Saacadihii ina dhaafay waxaa aad loo hadal hayay in garoonka Ciyaaraha Muqdisho laga dhigayo xarun lagu karaantiilo dadka oo ay adeegsanayaan Guddiga heerka sare ee kahor tagga Coronavirus.

Waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Guddiga ay doonayaan ku dhawaad 500 ruux oo u badan askar katirsan Ciidamada Dowladda oo tababar dibadda kusoo qaatay iyo tiro dad rayid ah.

Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa qoraal ay soo saartay kaga falcelisay hadalkaas, waxaana ay ka biyo diiday in Garoonka Ciyaaraha Muqdisho laga dhigo xarun karaantiil.

Sababtu waxa ay ku sheegtay in Dhismaha Garoonka ku socda oo gaba-gabo ah, Shaqaale Soomaali iyo ajaanib ah oo ku howlan howsha ka socota, Ciidamo katirsan Booliiska Dowladda oo badan oo ilaalo ka ah Garoonka iyo duruufo kale.

Wasiir Khadiijo waxa ay sheegtay in aan la aqbali Karin in Garoonka Muqdisho oo howl adag ka socoto in dadka looga shakiyay Fayruska Corona la geeyo laguna hayo, taasina ay hakad gelineyso dhismaha dib udhiska.

Wasaaradda Caafimaadka XFS waxa ay xaqiijisay 5-kiis oo Covid-19 oo Magaalada Muqdisho ah, labo kamid ah waa Ajaaniib, waxaana xarumaha karaantiilka ku jira shaqsiyaad la heynayo Mudada xili huuriska cudurka oo ah 14-Cishe sida xubnaha guddiga ku howlan ay sheegeen.