SAWIRRO:-Ciidamada amaanka oo howlgalo amni lagu xaqiijinayo ka sameeyay Hobyo

0

Howl-galkaan oo ay ciidanka Booliiska  ka sameeyeen Xaafadaha Degmada Hobyo ayaa ahaa mid  lagu xaqiijinayay amniga magaalada maadaama ay muddooyinkan  sameeyneysay hormaro kala duwan sida dhinacyada  ganacsiga  iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga u ah bulshada.

Howl-galka waxaa hogaaminayay guddoomiyaha gobolka mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal oo maalmahaan kormeero kala duwan ku bixinayay dhamaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka mudug ee galmudug  si loo xaqqijiyo baahiyaha bulshada.

sidoo kale waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka Degmamada Hobyo Maxamuud Cawaale iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska.

Taliyaha saldhigga demada Bashiir Cilmi Geedi ayaa masuuuliyiinta warbixin ka siiyay guud ahaan amniga magaalada iyo qorshaha ay u dejiyeen sugida amaanka.

“Hobyo amnigeeda waa mid laysku haleyn karo ,Ciidamada amaankana sidii loogu talagalay ayay u shaqeeyaan sidoo kale Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo bulshada wada-shaqeyn buuxda ayaa ka dhaxeysa “sidaas waxaa jiri Gudoomiye ku xigeenka Degmada Hobyo Maxamuud Cawaale

Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal Guddoomiyaha Gobolka mudug ayaa ku amaanay Ciidanka shaqada culus ay ka hayaan Degmada hase ahaatee loo baahanyahay in la labo jibaaro in shacabka loo gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.