Madaxweyne Cagjar Oo Mas’uuliyiin Isugu Daray Eryid & Xadhig

0

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Muxumed Cagjar, ayaa lagu waramay in uu xil ka qaadis iyo xarig isugu daray laba kamid ah mas’uuliyiinta sar-sare ee ismaamulkaas hoostaga Itoobiya.

Mas’uuliyiinta uu ceyriyey Cagjar ayaa waxaa lagu kala sheegay in ay kala yihiin; madaxii amniga ee gobolka Cabdicaadil Xasan Cabdi iyo madaxii sirdoonka oo magaciisa lagu tilmaamay Ilyaas Cali Bulxan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdullahi Maxamed oo loo garan-og-yahay Cabdullaahi Dheere loo magacaabay madaxii amniga, halka madaxii mukhaabaraadka loo magacaabay Cabdi Siigaale.

Labadooda waxay ku xigeeno u ahaayeen Cabdicaadil iyo Bulxan, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xirsi Dool ayaa la sheegay in loo xushay xilka ku xigeenka madaxa hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Kalinka Shanaad.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa isbedelka lagu sameeyay hogaanka laamaha kala duwan ee hay’addaha ammaanka gobolkaas.