Kenya oo sheegtay in muwaadin Soomaali ah laga helay cudurka Coronavirus

0

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in 11 ruux oo laga helay cudurka Coronavirus maanta dalka Kenya uu mid ka mid ah yahay muwaadin ka soo jeeda dalka Soomaaliya.

Guud ahaan tirada dadka uu cudurka soo ritey gudaha dalka Kenya ayaa gaartay 112 ruux halka tirada dhimashaduna ay gaartay 4 ruux.

Qofkii ugu dambeeyay ee u geeriyooda cudurkan dalka Kenya ayaa noqday ilmo lix jir ah,waxaa uu ku dhintey isbitaalka Kenyatta National Hospital.

Guud ahaan dad gaaraya 1,433 ruux ayaa maanta oo kaliya laga baaray Covid-19 sida ay warbaahinta u sheegtay Dr Mwangangi.

Tirada guud ee dadka u dhintey caalamka cudurka Coronavirus ayaa kor u dhaaftay 53,000 oo ruux halka dadka uu soo riteyna ay gaarayaan inkabadan hal malyan oo ruux.