Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dad looga shakiyay cudurka Covid19 la karatiilay

0

Guddiga ay dawlada Soomaaliya u xilsaartay cudurka Covid19 ayaa maanta waxa ay ka war bixiyeen hawlaha guddiga iyo waxyaabihii ka soo kordhay maalmihii u dambeeyay cudurka Covid19.

Guddiga ayaa waxa ay ka warbixiyeen in tirada dadka ee laga helay cudurkan Soomaaiya ay ilaa iyo hadda ay gaarayaan  ruux, sida uu noo xaqiijiyay Dr Cabdirisaaq Yuusuf oo kamid ah guddiga arrin loo xilsaaray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in 15 qof oo kale looga shakiyey cudurka ay haatan karaantiil ahaan ugu jiraan Isbitaalka weyn ee Martiini, oo kal hore ay dawladu ay ku dhawaaqday in ay ugu talogashay in lagu karantiilo dadka qaba cudurka Coronavirus.

Arrinatan ayaa ku soo aadaysa xilli ay dawladu horay xayiraad ugu soo rogtay dhamaanba hawlihii shaqaalaha dawlada, waxbarshada iyo duulimaadyadii caalamiga ahaa cabsi laga qabo cudurka dilaaga ah Coronavirus